Shir ku saabsan duqeyntii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku qaadeen degaanka Jeexdin ee gobolka Mudug ayaa Muqdisho uga furmaya maanta Mareykanka iyo maamulka Galumudug.
Kulankan oo Mareykanku codsatay ayaa ku saabsan askartii laga laayay Galmudug baaritaan Mareykanku ku sameeyay shilkaasi wixii kasoo baxay oo wararku sheegayaan in Mareykanka uu xaqiiqsaday in weerarkii Jeexdin uu ahaa mid si khaldan u dhacay.
Dowlada Mareykanka ayaa looga fadhiyaa inay magdhow ka bixiso askartii ay dishay oo tiradooda lagu sheegay 13 iyo kuwii ay dhaawacday oo hadda Muqdisho lagu daweynayo.
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi la socda ayaa Muqdisho u yimid shirkaasi, waxaana sidoo kale shirka qeyb ka ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.
Wadani.com