Waxaa maanta Magaalada Addis Ababa ka furmay Shir ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlayo ka faa’iideysiga Kheyraadka dalka.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Xubno ka socda Guddiyada Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo Hay’adaha kale, waxaan ku wehliy khubaro k socota dalka Norway oo aan la faahfaahin kaalinta ay shirka ku leeyihiin.
Shirka ayaa xukuumadda Soomaaliya waxaa u metelaya Wasiir ku-xigeenka Batroolka Iyo Macdanta Maxamud Cabdiqadir Hilaal, isagoo sheegay inuu shirku socon doono maalmo kooban oo looga hadli doono dardar galinta ka faa’iidaysiga Kheyraadka, gaar ahaan Shidaalka iyo sida ugu wanaagsan ee loo maamulo heerarkiisa kala duwan iyo mabaadi’da waawayn ee ay tahay in la ilaaliyo.
Furitaanka shirak waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Danjire C/xakiin Cumar Camey, wuxuuna ka mid yahay shirarka ay dowladda Soomaaliya u wareejisay dalka Itoobiya.
Dowladda Norway oo hore loogu tuhunsanaa inay lug weyn ku leedahay arrimaha shidaalka Soomaaliya ayaa doorkeeda soo shaac baxayaa, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan khubaro dalkaasi ka socota oo aan la shaacin doorka ay ku leeyihiin arrimaha shidaalka Soomaaliya.



