Shir Madaxeedkii 28-aad ee aan caadiga ahayn oo hogaamiyeyaasha dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-Murtiyeed.
War-Murtiyeedka oo ka koobnaa 22 qodob waxaa saxaafadda u akhrisay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mida:
- In la dhowro madax bannaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
- In degdeg lagu so dhameystiro shirka maamul u sameynta Gobolla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
- In dhinacyada Soomaalida loogu baaqay ka qeyb qaadashada geedi socodka xasilooni loogu soo dabaalayo Soomaaliya.
- In AMISOM ay sugto ammaanka Doorashooyinka Soomaaliya.
- In la soo dhoweeyay horumarka ay gaareen Madaxda Soomaalida ee ku mideysan Madasha Qaran
- In dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya uu noqdo mid rabitaankooda ku dhaca.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirka waxayna la hadleen saxaafadda.
Shir gaara oo ay yeesheen madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa shir gaara oo ay yeesheen kadib shirka waxay uga hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ganacsiga oo ay ugu horeyso xayiraadda lagu soo rogay Qaadka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay ka hadleen arrimaha isu socodka xuduudaha, duulmiyaadyada dhibaatada ka jirta gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha Qaxootiga iyo arrimo kale.
Madaxda IGAD ayaa hadda isu diyaarinaya inay dalalkooda dib ugu laabtaan, waxaana shirka uu noqonayaa mid taariikhi ah oo caasimadda Soomaaliya ka dhaca xilligan.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com