Shir madaxeed looga hadlayo arrimaha hiigsiga 2016 oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa hadda ka socda Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland, waxaana shirkaasi ku sugan wakiilada beesha caalamka.

Shir hordhac ah ayaa lagu sheegay kulanka ka soconaya iyadoo loo gudbi doono wejiga saddexaad ee wada-tashiga dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, shirkaas oo hore Muqdisho ka dhacay balse ay ka baaqsadeen maamulada Jubba iyo Puntland.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ergayga Qaramada Midoobey Nicholos Kay, Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Tedros iyo wakiilka IGAD.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inuu lahaa qabashada shirkan isla markaana uu isagu guddoominayo, Shirka oo saxaafadda aan loo ogolaan ayaa la sugayaa in markii la soo gabagabeeyo saxaafadda warbixin laga siiyo.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]