Kulamo iska soo horjeeda oo ku saabsan xukuumadda cusub ee uu shalay soo dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka socda magaalada Muqdisho.
Xildhibaano sheegay inay ka horjeedaan xukuumadda ayaa isla shalay bilaabay kulamadooda iyagoo caddeeyay inay ka horjeedaan qaabka loo maamulay magacaabidda golaha wasiiarada.
Xildhibaandan oo la sheegay inay gaarayaan 40 ayaa qoraya qaraar dib loogu celinayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda uu soo dhisay, taasoo haddii ay dhacdonoqon doonta xaalad waqti lumis iyo jiitan siyaasadeed keenta.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa maanta kulan qado ah la yeelanaya Golaha wasiirada uu magacaabay oo ka kooban 68 xubnood, kuwaasoo in ka badan 40 ay ka mid yihiin xildhibaanada baarlamaanka, waxaana kulanka looga hadlayaa Qorshaha xukuumadda la hortegeyso Baarlamaanka iyo sidii ay kalsooni u heli lahaayeen.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhinacooda ka wada olole ay ku doonayaan inuu Baarlamaanka kalsooni ku siiyo xukuumadda cusub.
Guuxa ka dhex jira xildhibaanada Baarlamaanka ayaa caadiyan dhaca mar waliba oo xukuumad cusub lasoo magacaabo, waxaa la xusuustaa in ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo muddo laba jeer ah isbedel ku sameeyay xukuumado uu magacaabay.
Saadaasha laga bixinayo xukuumaddan cusub ayaa ah inay kalsoonida heli karto haddii ay dadaal badan ku bixiyaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, inkastoo xildhibaano xilal doon ah ay qas gelin karaan.
Wadani.com