Shirkii 4-aad ee Guddiyada Dastuurka Fedwraalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Waxaa shirka furay Guddoomiyaha guddiga Dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu Shirkan soconaya muddo seddex maalmood ah, waxaana looga doodayaa cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Furitaanka shirka waxaa khudbado ka jeediyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), Guddoomiyaha Guddiyada Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Qeybdiid iyo xubno kale.
Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Guddiyada baarlamaannada Dowlad Goboleedyada aysan wax jawaab ah ku soo celin 10-kii qodob ee hore ay ugu soo gudbiyeen, isagoo dhinaca kale ku eedeeyay dowladda Somalia inaysan xil weyn iska saarin arrimaha Dastuurka.










