Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»SHIRKA KISMAAYO: Har-xiraale siyaasadeed oo horyaalla Farmaajo iyo Kheyre [Faaqidaad]

    SHIRKA KISMAAYO: Har-xiraale siyaasadeed oo horyaalla Farmaajo iyo Kheyre [Faaqidaad]

    October 3, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku baaqay shir madaxda maamul Goboleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo oo looga wadahadalyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay xaaladda Khaliijka.

    Shirkan oo marka dusha sare laga eego mid niyad wanaagsan ka danbeyso oo xal lagu raadinayo waxaa ku hoos jira shirqool siyaasadeed oo halis ku ah dowladda Federaalka oo xilligan loolan hoose oo adag kula jira maamullada.

    Nabadoonka Axmed Madoobe xaqiiqo ahaan maaha sida uu dusha sare uga muuqo ee ah inuu xal u raadinayo khilaafka ka dhex taagan xilligan madaxda federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaana laga yaabaa inuu ka mid yahay kuwa ugu adag ee xiriirka la leh Imaaraadka, inkastoo saaxiibadiis uu dheer yahay inuusan is caddeyn ama saxaafadda adeegsan, taasoo laf ahaanteeda ah biseyl siyaasadeed.

    Shirka lagu baaqay ee maamul Goboleedyada ku yeelan doonaan magaalada Kismaayo ayaa dowladda Federaalka ku ah xaalad adagĀ  oo soo wajahday, iyadoo aanay u sahlaneyn inay ka qeyb gasho ama ka baaqsato.

    Ugu yaraan 3 maamul Goboleed waxay si cad isugu dhacsan yihiin dowladda Federaalka oo horeba ula saftay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, halka maamulka Jubba la rumeysan yahay inuu la mid yahay, waxayna taasi ka dhigan tahay in qabsoomidda shirkaasi la macne tahay shirqool siyaasadeed oo dowladda Farmaajo ay u baahan tahay inay iska badbaadiso.

    Haddii aanu shirkaasi baaqan, waxay dowladda Federaalka ku qasban tahay inay u dirto wafdi si aanay u dhicin in go’aamo lid ku ah laga soo saaro, waana tan keentay in la qorsheeyo wafdi hordhac ah oo xukuumaddu ay Kismaayo u dirto.

    Arrinta culeyska ku heysa dowladda Federaalka ayaa ah in qorshaha shirka Kismaayo uu isku koobay maamulka Jubbaland oo aanay jirin wax la tashi ah oo uu la sameeyay dowladda, waxaana maalmaha soo socda la ogaan doonaa tallaabada ay qaado dowladda Federaalka.

    Shirka Kismaayo wuxuu tijaabo kale u yahay hoggaanka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Kheyre iyo sida ay awood ugu yeelan karaan xalinta xasaradaha siyaasadeed ee soo wajaha oo qaarkood ay hore uga gaabiyeen in si fiican u maareeyaan.

    Federaalka Kismaayo Madaxda maamullada Shirka Kismaayo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Wasiir Beyle oo ka hor yimid Qoonde Golaha Wasiirada u ansixiyeen Maamulka G/Banaadir
    Next Article Xildhibaan Fiqi: “Galmudug waa maamul laga heli karo calooshood u shaqeystayaal..” [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo