Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Somalia Partnership Forum oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Shirka oo socon doona hal maalin ayaa waxaa xiriirinaya Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana furay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shirka ka sheegay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada kala duwan ee Amniga, dhaqaalaha iyo arrrimaha doorashooyinka.
Waxaa shirka ku sugan madaxda dowladda Soomaaliya, halka ay Madaxda dowlad goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka uga qeyb qaadanayaan khadka Internet-ka ee Zoom-ka. Qodobadda looga hadlayo waxa ka mida: Amniga, Doorashada, Dhammeystirka Dastuurka, xaaladda Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada, xaaladda Covid-19 iyo isbedelka cimilada.
Jadwalka shirka ayaa waxaa ka muuqda inuusan ka qeyb galeynin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ay ugu wacan tahay xaalada dalku marayo iyo muranka ka tagaan Doorashada 2020/2021 xilli dalku marayo xaalad kala guur ah.
Khudbadaha ay jeedin doonaan Madaxweynayaasha Puntland Puntland ayaa laga yaabaa inay dowladda Soomaaliya lagu cambaareeyo, halka Axmed Madoobe si weyn looga sugayo inuu weerar ku qaado siyaasadda dowladda Soomaaliya, taasoo la sheegay inuu shirka uga baaqsaday Madaxweyne Farmaajo oo aan dooneyn in Beesha caalamka horteeda lagu eedeeyo.
