Shirkadaha shidaalka ayaa shaqaalaha kala baxay dhulka Soomaalida Itoobiya, kadib shaqaaqooyinkii dhowaan ka dhacay degaanadaasi oo keenay xaalado amni darro iyo hubanti la’aan ah.
Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa Magaalada Adis ababa ayaa qoray in Shaqaalaha oo u badan Shiinees la geeyay Magaalada Adis ababa, iyada oo sababta lagu sheegay amniga gobolka Soomaalida Itoobiya oo aan la isku halleyn karin.
Poly GCL Petroleum, oo ah sharikadd shidaalka ka heshay dhulka SOomaalida Itoobiya ayaa todobaadkan biloowgiisii shaqaalaheeda diyaarado ugu daabushay Adis ababa. Shaqaalaha laga saaray Gobolka ayaa intooda badan u dhashay dalka China.
Khubarrada iyo Injineerrada Shidaalka ayaa la geeyay degaannada Hilala, Calub iyo Warder ee gudaha Itoobiya halkaas oo uu mashruuc kale ka socdo. Waxaana madaxda sharikadda sheegeen in shaqaalaha sharikadda ay dib ugu laaban doonaan Gobolka marka amniga ay wax iska beddelaan.
Sarkaal ka tirsan Sharikadda ayaa beeniyay in shaqaalahooda ay kala baxeen Gobolka laakiin waxa la sameeyay tahay shaqaale beddelid. Sidoo kale Koang Tutlamm, oo ah wasiiru dowlaha Wasaaradda Macdanta,Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Itoobiya ayaa beeniyay warkaas.
Sharikadda laga leeyahay Dalka Chinayaa shidaal baarits Gobolka Soomaalida billowday sanadkii 2014kii,waxana shidaalkii ugu horreeyay ka heshay degaannada Hilaala iyo Dohar,halkaas oo shidaal tijaabo ah laga soo saaray Bishii June ee la soo dhaafay.
Sharikadda BGP Geoservices oo iyada qandaraaska siisay sharikadda shidaalka ka heshay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana shaqaalaheeda kala baxday Gobolka islamarkaana geysay Adis ababa.
Sharikadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa iyaduna joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka kaddib markii rabshado ay ka dhaceen todbaadkii hore.