Shirkadda dhinaca ammaanka ee Mareykanka ee ka howlgasha Soomaaliya ee Bancroft ayaa war cad kasoo saartay weerarkii ka dhacay degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Qoraal kasoo baxay shirkadda ayaa lagu beeniyay inay wax lug ah ku leedahay weerarka dadka lagu laayay ee ka dhacay Bariire, waxayna shirkadda sheegtay inay arkeen warar lagu sheegay inay qeyb ka ahayd weerarka, taasoo ah war waxba kama jiraan ah.
Shirkadda Bancroft ayaa sheegtay inay la shaqeyso ciidamada AMISOM iyo kuwa DANAB oo aan howlgal ka Bariire qeyb ka ahayn, isla markaana aanay shirkaddu lahayn ciidamo dagaalama ee shaqadeedu tahay mid farsamo iyo tababar.
Qoraalka shirkadda ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay faafinta wararka been abuurka ah iyadoo shaqaalaheeda qaarkood ay ku naf waayeen iyagoo caawinaya dowladda Soomaaliya.
Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa ku eedeeyay shirkadda Bancroft inay ka dambeysay weerarkii ka dhacay Bancroft.
AKHRISO QORAALKA
Wadani