Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines ayaa dib u billaabaysa dulimaadkeedii ay ku tegi jirtay dalka Ereteriya oo joogsaday sannadkii 1998-dii, markii toobiya iyo Eritrea uu dhex maray dagaalkii xadka.
Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday Ra’iisal wasaaraha itoobiya Abiy Axmed xilli uu u munaasabad casho ah oo soo dhawayn ah uu samaynayay wufuud heer sare ah oo Eritrean ah oo boqasho ku joogo dalkaasi.
Kulankan ayaa imaanaya xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu sheegay inuu dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ee lagu soo afjaraya dagaalka xadka. 20 sanno wax xiriir oo dublumaasiyadeed ma lahayn Itoobiya iyo Eritrea
Eritrea ayaa xoriyadda ka heshay Itoobiya sannadkii 19993-dii kaddib markii uu dhexmaray dagaal qaatay 30 sanno balse dagaalkii xadka ayaa socday 5 sanno oo ay ku dhinteen tobbonaan kun oo qof.