Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa si rasmi ah maanta ula wareegtay maamulka Dekadda Berbera ee maamulka la baxay Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa rasmi ahaan ugu wareejiyay maamulka dekedda Berbera guddoomiyaha shirkadda Dubai Ports World ee dalka Imaaraadka Carabta, oo horey heshiis 25 sano ah ula saxiixatay Somaliland.
Heshiiska Somaliland iyo shirkadda DP World ayaa kal hore waxaa si weyn uga soo horjeesaday mucaaradka Somaliland.
Xaflad maanta lagu qabtay gudaha dekedda ayaa Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay in tartan ganacsi oo dhinacyo badan lihi uu ka socdo geeska Afrika , kaasoo buu yidhi wax tar weyn u leh shucuubta ku dhaqan mandiqadda geeska Afrika.
Siilaanyo ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dedaal dheer u gashay maalgashiga dekedda Berbera iyo ballaarinteeda oo wax weyn ka tari doonta buu yiri nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo madaxtooyada Somaliland ka soo baxday, madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in ay farxad u tahay in dekedda Berbera ka mid noqoto dhawr iyo toddobaatan dekedadood oo ay maalgeliso shirkadda caalamiga ah ee DP world.
Xafladdaasi dekeda Berbera maanta loogu wareejiyay sharikadda DP World ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay guddoomiyaha shirkaddaasi Suldaan Axmed.
Waxaa kale oo goob joog ahaa wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya, iyadoo wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland uu sheegay in 19% Itoobiya la siiyay maalgeshiga maamulka dekedda Berbera.