Shirkadda Eithopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho, kadib dhacdo ka dhacday garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Shirkadda oo toddobaad kasta afar jeer imaan jirtay, kana duuli jirtay Garoonka Muqdisho ayaa toddobaadkan hakisay duulimaadyadeedii, arrintaas oo ka danbeysay markii garoonka lagu qabtay nin heysta dhalashada K/Afrika oo damcay inuu diyaaradda la raaco Sabtidii Boorsooyin ay u jiraan Gaaska qarxa ee dadka ilmada ka keena.
Shirkadda ayaa ilaa iyo amar danbe hakisay, waxayna faahfaahin ka sugeysaa hay’adaha amniga ee garoonka diyaaradaha, iyadoo uu socdo baaritaan lagu hayo ninkan iyo qalabka uu watay halka uu u socday.
Dowlada Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin dhacdadan iyadoo ay maanta tahay maalintii saddexaad ee la qabtay ninkan oo la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha ka howgala xeyndaabka Garoonka Muqdisho oo shirkado fara badan ay xarumo ku leeyihiin, kuwaasoo ka baxsan awoodda dowlada Soomaaliya.