Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Shirkadda Facebook oo Mareykanka siineysa Xog sir ah oo ku saabsan 3000 iidheh oo Ruushku iibsaday

    Shirkadda Facebook oo Mareykanka siineysa Xog sir ah oo ku saabsan 3000 iidheh oo Ruushku iibsaday

    September 22, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Milkiila shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg ayaa sheegaya in shirkaddiisu baarayaasha Mareykanka ee baaritaanka ku wada faragelin la sheegay in Ruushku uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2016 ay la wadaagi doonto 3,000 oo xayaysiis siyaasadeed oo lala xiriirinayo Ruushka.

    Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in mustaqbalka uu xayaysiisyada siyaasadeed ee lagu faafiyo Facebook ka dhigi doono kuwa aan qarsooneyn.

    Mark Zuckerberg ayaa sheegay in xayaysiisyada siyaasadeed la soo raacin doono afeef muujineyso ciida ama shirkadda dhaqaalaha ku bixisay.

    Waxa uu intaasi ku daray in shirkaddiisu ay baaritaan ku sameyn doonto waddamada Ruushka iyo kuwo kale ee ka tirsanaan jiray midowgii soofiyeed oo si xun u isticmaalay xayaysiisyada ay baahiso Facebook.

    Go’aanka shirkaddani Facebook ay xogta kula wadaageyso baarayaasha Mareykanka ayaa timi kaddib cadaadis badan oo ay kala kulantay shacabka, waxaana hadda loo arkaa in shirkadda ay gaashaamaneyso in mustaqbalka ay dhibaato ka soo gaarto sharciyada Mareykanka.

    Horraantii bishan, waxaa la shaaciyay in xayaysiisyo siyaasadeed lagu bartilmaameedsaday codbixiyeyaasha Mareykanka, waxaana shirkadda Facebook ay rumeysan tahay in xayaysiisyadaasi ay kharash ku bixiyeen jilaayaal Ruushka u dhashay oo xiriir la leh madaxtooyada Ruushka.

    TRUMP/PUTIN

    Xayaysiisyadaasi laguma taageerin musharax khaas ah sida ay sheegtay shirkadda Facebook balse waxaa lagu faafinayay macluumaad xammaasad abuurayo sida arrimaha muhaajiriinta.

    Shirkadda Facebook waxay sheegtay in macluumaadka ku saabsan xayaysiisyadaas ay la wadaagi doonto saraakiisha baaraya suurtagalnimada in Ruushku uu farogelin ku sameeyay doorashadii madaxtinnimada ee Mareykanka ee saandkii 2016-ka.

    Doorashadaas oo Donald Trump uu ku soo baxay ayaa waxaa hareeyay eedeymo iyo tuhun ah in uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Afhayeen u hadlay madaxtooyada Ruushka, Dimitry Peskov ayaa horraantii bishan sheegay in dalkiisa uusan wax lug ah ku lahayn xayaysiisyadaasi.

    Dhanka kale, milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in shirkaddiisu ay ka shaqeynayso sidii ay u ilaalin lahayd hufnaanta doorashada soo socota ee dalka Jarmalka, iyadoo durbaba tallaabooyin adag laga qaaday bogag been abuur ah oo gaaray kumannaan.

    Butin Facebook Russia Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGolaha Wasiirada Galmudug oo ku qeysamay khilaafka ka dhex taagan Madaxda maamulkaasi
    Next Article Alshabaab oo toogatay Sarkaal u qaabilsanaa ururinta Zekada [Akhri sababta]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo