Shirkadda Diyaaradaha dalka Kenya ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday inay duulimaad toos ah oo ganacsi ka bilaabeyso magaalada Muqdisho.
Bayaan uu soo saaray guddoomiyaha Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa lagu sheegay in duulimaadyada shirkaddu ku tegeyso Muqdisho oo maalinle noqon doona ay ka dambeeyeen kororka dhoofayaasha Soomaalida ah iyo kuwa Gobolka, iyadoo ay sii xoojin doonto isku xirka Gobolka.
Duulimaadyada shirkadda Kenya Airways ee Adan Adde Airport, magaalada Muqdisho ayaa bilaaban doona 15-ka bishan November, waxayna diyaaradda ugu horeysa ee tegeysa Muqdisho oo nooceedu yahay Bombardier Dash 8 Q400, ay ka duuli doontaa Garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalada Nairobi Khamiista soo socta saacadu markey tahay 07:40, iyadoo ka degi doonta Aden Adde International Airport, 10:45, kadibna dib ugu laaban doonta Nairobi xilliga 13:00.
Kenya Airways aya noqoneysaa shirkii labaad ee Afrikaan ah iyo tii saddexaad oo caalami ah oo duulimaad ka bilowda magaalada Muqdisho, iyadoo toddobaadkan ay duulimaadkeeda Muqdisho ka bilowday Ethopian Airlines, waxaana hore uga howlgaleyay Turkish Airline.