Shirkadda Turkiga ah ee gacanta ku heysta Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saaray Xaaladda ammaanka Garoonka Aaden Cadde.
Qoraal kasoo baxay Shirkada ayaa cabasho xoog looga muujiyay hub lala soo galo gudaha Garoonka diyaaradaha oo dhibaato ku haya shaqadii Garoonka.
Shirkadda Favorsi ayaa qoraalka u dirtay Madaxda Amniga dowladda iyadoo ogeysiin la siiyay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Kiiska ay shirkaddan ka cabaneyso ayaa waxaa ka danbeeyay sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo hub la galay garoonka isagoo diiday in la baaro oo hubka uu ku reebo goobta baarista, una adeegsaday haddallo aflagaado ah saraakiisha shirkadda Favori.
Shirkadda Favori ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha qaabilsan garoonka in arrintan si degdeg ah wax uga qabtaan iyadoo sheegtay in muuqaalada laga qaaday sarkaalka ay hayaan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA