Shirkadda Spectrum ee heshiiska kula jirta dowaldda Somalia si ay u sahmiso shidaalka iyo Gaaska ku jirta Badda Somalia oo qabanqaabisay Shirkii 7-da Febraayo ka dhacay Magaalada London ayaa faahfaahin ka bixisay Warbixintii Sahankii ay sameysay & qaabka ay u dhaceyso iibka Bloc-yada lagu tuhmayo inay ku jiraan Saliid iyo Gas.
War-saxaafadeed ay soo sartay Shirkadaasi Spectrum ayaa sheegay Shirkii London ka dhacay ay ka caawisay dowladda Somalia inuu qabsoomo, waxayna intaas ku dartay in shirkaddu tahay mid iyadu maalgelisa baaritaanka baaritaanka ay sameyso, kadibna warbixinta ay ururiso ka iibisa shirkado daneynaya ee Shidaalka iyo Gaaska qaabilsan, kuwaasoo iyaguna u adeegsada warbixinta ay iibsadeen inay goobo gaara oo cayiman baaraan.
Shirkaddu waxay caddeysay in inay dhameystirtay warbixin laga ururiyey 20,185 km oo dhererkeeduu yahay 2D, iyadoo heshiis kula gashay dowladda Soomaaliya, waxayna warbixintaasi ka iibinaysaa shirkadaha shidaalka iyo Gaaska iyadoo meteleysa dowladda Somalia, iyadoo dowladda Somaliyana ay kharash ka heleyso.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA