Shirkii saddexaad ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ayaa fashilmay markii ay diideen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Shirkan ayuu Farmaajo u bedelay xaflad lagu saxiixayo heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada ee ay diyaariyeen Guddiga Farsamada, balse waxaa ka hor yimid Puntland iyo Jubbaland oo si cad u sheegay inuusan sharciyad u lahayn Farmaajo shirka uu ku baaqay.
Dhinaca kale waxaa Muqdisho ka maqan madaxweynayaasha maamul Goboleedyada K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen iyo Galmudug Axmed Qoorqoor oo Turkiga ku jooga safar arrimo u gaara, waxaana Muqdisho ku sugan oo kaliya Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.
Arrintan ayaa ka dhigan inuu go’doon siyaasadeed galay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhinaca kale bannaanbax looga horjeedo uu Muqdisho ka dhacayo Sabtida.
