Shirkii Golaha Shacabka ee looga doodi lahaa arrinta sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya ay u dhiibtay Itoobiya ayaa lagu dhawaaqay in mar kale dib loo qabanayo maalinta Berri ah ee Arbacadda.
Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa kulankoodii maanta ku go’aamiyay in berri la qabto fadhigii Baarlamaanka ee baaqday Sabtidii, iyadoo xildhibaanada ka doodi doonaan rrinta ku saabsan Qalbidhagax.
Farriimo xogheyta Golaha Shacabka u dirtay xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in dhammaan xildhibaanada ka soo qeybgalaan kulanka ayna dhowraan waqtiga.
Xogta ay heleyso Wadani.net ayaa sheegeysa in kulanka beri uu qabsoomi doono, isla markaana xildhibaanada taageersan xukuumadda ay qorsheynayaan inay arrinta ka dhigaan mid fudud oo dib loogu celiyo guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaanada taageersan ayaa ku kalsoon inay heystaan taageero ku filan oo kiiskan ay looga horjeedo ay ku laali karaan, kadib muddo toddobaad ku dhow oo ay olole ka dhex wadeen xildhibaannada.
Wadani