Shirkii Qaran ee Wadatashiga Doorashada ayaa maanta ka furmaya xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay wejiga koowaad, waaana ka qeyb galaya Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadi, iyadoo uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble.
Shirka maanta ayaa la xaqiijiyey inuusan ka qeyb galeynin madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo doonayey inuu furitaanka shirka xaadiro, taasoo markii dambe meesha laga saaray.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Guudlaawe oo ugu danbeeyay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa goor dhoweyd kasoo degay Garoonka Muqdisho, iyadoo halkaasi lau soo dhoweeyay.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu shirku guddoominayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo aan lasoo hadal qaadin wax kaalin ah oo uu ku yeelan doono Farmaajo.
Waxaa meesha ka baxay murnka ka taagnaa dhinaca amniga goobta shirka ee Teendhada Afisyoone, waxaana jawigu uu yahay mid aad uga duwan shirkii hore ee xiisadda siyaasadeed lagu jiray.
