Shirkii magaalada Gaalkacyo uga socday odayaal, siyaasiin, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee beesha Sacad ayaa maanta lasoo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaraay war-murtiyeed.
Qodobadda laga soo saaray Shirka Gaakacyo waxaa ka mida in shirka dib u heshiinsiinta Galmudug lagu qabto magaalada Gaalkacyo, waxayna beesha sidoo kale dalbatay in xal waara loo helo arrimaha ka taagan qeybaha maamulka Galmudug doorashada ka hor.
Shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ayuu hore u shaaciyey Ra’iisal wasaare Kheyre inuu ka dhaco caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxayna arrintan culeys kale ku keeneysaa qorshaha xukuumadda oo horeb ay uga hor timid Beesha Cadaado.

