Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulka Goboleedyada oo lagu daray Gobolka banaadir ayaa goor dhow soo dhammaaday.
Shiran oo hakad galay laba maalmood socdayna saddex maalmood ayaa la sheegay in dadaallo uu waday madaxweyne Farmaajo ilaa xalay lagu qanciyay maamulka Puntland oo soo jeediyay in qaab beeleed 4.5 ay lagu qeybiyo ciidamada loo dhisayo Soomaaliya.
Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka socday xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegya in la diyaariyay War-murtiyeed laga soo saaray oo dhowaan la filayo in la shaaciyo, sida ay sheegeen ilo shirka ku dhow dhow.
Qodobadda la isku qabtay qaarkood ayaa dib loo dhigay si looga doodo, waxaana madaxda Golaha ku jira ay iska  qaateen xoojinta wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.
LA SOCO FAAHFAAHINTA..