Shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ee magaalada Baydhaba ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo, iyadoo laga soo saarayo war-murtiyeed ku saabsan shirkaasi.
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in shirka oo dheeraaday lagu soo kordhiyey qodob cusub oo ku saabsan dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukaraq oo ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Shirkii ugu danbeeyay ee madaxda maamul Goboleedyada ayaa maanta ka socda magaalada Baydhaba, waxaana ilaa shalay iyo xalay socday dood ku saabsan qoraalka war-murtiyeedka oo ay isku hayeen madaxda maamul Goboleedyada ee shanta ah.
Ilo ku dhow shirka ayaa sheegaya in War-murtiyeedka si weyn loogu dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo qodobo adag oo la isku qabtay laga saaray, waxayna madaxda maamul Goboleedyada ka siman yihiin in dowladda Federaalka ay isku koobtay dhaqaalaha dalka iyo deeqaha dibadda laga helo, isla markaana ay ka gaabisay la shaqeynta dowlad Goboleedyada iyo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray.