Shirka Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee toddobaadlaha ahaa ayaa maanta ka furmay xarunta maamulka Jubba ee magaalada Kismaayo.
Shirkan oo markii ugu horeysay ka dhacay meel ka baxsan magaalada Muqdisho ayuu Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre sheegay in ujeedkiisu yahay mid sare loogu qaadayo shaqooyinka ka dhexeeya dawladda Federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa wasiir kasta oo xukuumadiisa ka mida ku amray inuu la fariisto ulmo Wasiirka dhigiisa ee maamulka Jubbaland si shaqada loo dar-dargeliyo.
Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya ee Kismaayo waxaa kaloo ku sugnaa madaxda iyo wasiirada maamulka Jubaland.
DAAWO SAWIRRO