Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Dib u heshiisiintii ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna,shirarkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.
Kulanka Wasiirada uu shir guddoominayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa lagu ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka ee shanta sano ee soo socoto,sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.
Wasiir ku xigeenka Amniga C/naasir iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Xasan Macalin ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha amniga, oo ay ka mid aheyd istiraatiijiyadda amniga gudaha 2017-ka ilaa 2022-ka, taasi oo saldhig u ah qorshaha horumarinta Qaranka, Golaha ayaa dood dheer kadib waxa ay u codeeyeen in la dhaqan geliyo Istiraatiijiyadaasi.
Wasiiru Dowlaha Amniga Xasan Macalin ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka Howlgal ay ka fuliyeen degmada Afgooye ku soo qabteen Laba Shabaab ka tirsan, oo dil u geystay shacabka degaankaas, sidoo kalena Diinsoor ay iska soo dhiibeen xubno Shabaab ka tirsan iyo Gaari ay wateen.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbixin ka bixisay Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo la filayo inuu sii xoojiyo isdhexgalka arrimaha bulshada.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiiru Dowlaha Wehliye ayaa labadaba waxa ay warbixin ka bixiyeen heshiiskii shalay dhexmaray Galmudug iyo Ahlusuna, kaasi oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay goobjoog ka ahaayeen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa warbixin ka bixiyay Maxaabiista Seychelles oo dhowaan uu booqday, sidoo kale Wasiirka ayaa ka warbixiyay shirkii ka dhacay Abidjan oo ay ka qeyb galeen dalal ka tirsan Afrika iyo Yurub.
DHAGEYSO WASIIRKA WARFAAFINTA