Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga halday arrimo dhowr ah iyadoo uu shir guddoominayey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkooxda uga hadlay tirakoobka shaqaalaha dowladda, xubinnimada Soomaaliya ee Suuqa Ganacsiga Bariga iyo Koofurta Afrika iyo Qorshaha geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyey ayaa warbixin kale looga dhagaysatay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuuamdda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii kulanku uu socday u sheegay wasiirrada in muhiim ay tahay in wasaarad waliba shaqadii loo xil saaray ay dardar geliso si loogu guuleysto qorshaha qaran ee xukuumadiisa.