Waxaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho wejigii labaad ee shirkii arrimaha Soomaaliya oo oo daba jooga shirweynihi Magaaladda London ee xarunta Dalka Britain.
Shirka waxaa guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka qeybgalaya madaxda Dowladda Soomaaliya, kuwa Dowlad goboleedyada iyo wakiilada Beesha caalamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay soo bandhigito waxyaabihii qabsoomay ee ay ka hirgelisay go’aannadii ka soo baxay shirkii London, iyadoo dhinaca dowladda ay Beesha caalamka kula xisaabtameydo balanqaadyadii ay bixiyeen wixii ka fulay iyo sababaha ay u fuli waayeen.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in shirka dib loogu eegi doono wixii ka fulay shirkii London, isagoo intaasi ku daray in AMISOM u baahan tahay xoojin iyo awood loo siiyo la-dagaalanka Alshabaab.
Shiweynihii arrimaha Soomaaliya ee Bishii May, 2017 ka dhacay magaalada London ayaa arrinta ugu weyn ee lagu go’aamiyey ay ahayd dhismaha ciidamo Qaran iyo qorshaha amniga dalka oo aan wax badan laga fulin.