Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Shirkii London oo la soo xiray: Akhriso Qodobadda ugu muhiimsan ee ka soo baxay

    Shirkii London oo la soo xiray: Akhriso Qodobadda ugu muhiimsan ee ka soo baxay

    May 11, 2017Updated:May 12, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Magaalda London waxaa lagu soo gabagabeeyay goor dhoweyd shirkarrimaha Soomaaliya oo ay marti gelisay dowladda Britain.

    Shirka waxaa lagu soo gabagabeeyay shir Jaraa’id oo ay wada qabteen shirguddoonka Wasiirka Arrimaha dibadda UK, madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Q/Midoobay.

    Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu’uuliyadda ammaankeeda.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.

    Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.

    Waxay sheegtay in ciidamada AMISOM aysan maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.

    ” Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa” ayay tiri, ra’iisal wasaaraha Britain.

    Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 400 oo askari oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 222,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.

    Dadaalada kala duwan ee ku aadan dhismaha ciidan qaran

    • Britain ayaa dhawaan magaalada Baybdho ka billaabi doonto barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.
    • Isku Taga Imaaraadka ayaa lagu wadaa inuu isna dhiso xarun casri ah oo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya,
    • Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab,
    • Turkiga ayaa isagana wada tababarro la siinayo sarakiisha ciidanka Soomaaliya.

    Kenyatta ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidammada AMISOM

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si buuxda cunaqabataynta hubka looga qaado Soomaaliya.

    ”Cunaqabteyta hubka ee sanadooyinka badan saaran soomaaliya, waxay caqabada ku noqotay oo ay aad u xayirtay awoodda aan u leenahay in aan soo iibsano hub culus, inkastoo ay jiraty in si qeyb ahaan cunaqabateyntaas la qaaday 2013-kii” ayuu yiri madaxweynaha.

    Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdiisu ay la shaqeyn doonto golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidii cunaqabatayntaasi gebi ahaanba meesha looga saari lahaa.

    Abaaraha

    Xoghaya guud ee Q/Midoobay  ayaa codsaday lacag gaareysa 900 Milyan oo doolar oo wax looga qabto abaaraha Soomaaliya ka jira si looga hortago in macaluul dadku u dhintaan.

    WAR-MUTIYEEDKA OO DHAN HALKAN KA AKHRISO

     

     

    London conference on Somalia Shirka London Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDamaashaadka Hilbaysiga & Feenashada Soomaaliya ee London [Maqaal xiiso leh]
    Next Article Maxkamadda Ciidamada oo xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxweyne Farmaajo [Akhri]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo