Shirka caalamiga ah e arrimaha Soomalaiya ayaa maanta ka furmaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, waxaa ka qeyb galaya ilaa 40 dowladood oo daneeya Soomaaliya, waana kii labaad oo magaalada Ldondon ka dhaca.
Waxaa shirka dhinaca Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxwweynah Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iislawasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed guuleed iyo Maamul Goboleedyada shan maamul goboleed.
Wararka laga helayo London ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada laga reebay inay ka mid noqdaan madaxda khudbooyinka ka jeedineysa shirka, arrintan oo ay dalbadeen xalay, laakiin si cad loogu sheegay in khudbadda Soomaaliya uu jeedinayo madaxweyne Farmaajo.
Wadani.com