Ergooyin fara badan ayaa ku sugan magaalada Jowhar oo lagu wado inuu maanta ka furmo shirkii maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Jowhar ku qulqulayay ergooyin fara badan, siyaasiyiin iyo xildhibaano, waxayna wararku sheegayaan in diyaar garowga shirka uu soo gabagaboobay.
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa shirka, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka oo ciidamo fara badan la isugu geeyay magaalada. Shirka ayaa lagu wadaa inuu galabta dib u furo madaxweynaha Soomaaliya.
Qorshaha cusub ee lagu soo nooleeyay shirkan ayaa ka yimid IGAD, kadib markii xukuumadda Soomaaliya iska wareejisay, waxaana weli taagan diidmadii Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan iyo laba beelood oo kale.
Ujeedka shirka ayaa ah inta ka harsan bishan lagu dhiso maamulkaasi oo dad badan u arkaan inay tahay arrin aad u adag.
Wadani.com