Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Shirkii Madasha Qaran oo Go’aan ka gaari waayey Qodobkii ugu Weynaa (War-Mutiyeed)

    Shirkii Madasha Qaran oo Go’aan ka gaari waayey Qodobkii ugu Weynaa (War-Mutiyeed)

    May 17, 2024Updated:May 17, 20243 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ayaa caawa lagu soo gabagabeeyay iyadoo shirku aanu wax go’aan ah kasoo saarin Qodobkii ugu muhiimsanaa ee horyaalay oo ahaa Doorashada maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

    Shirkan oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho ka dhacay 14-17 May 2024, waxaana laga soo saaray War-murtiyeedka soo socda:

    1. GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya dhinacyo badan oo xaalada dalka ah. Sidoo kale GWQ wuxuu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, dhameystirka Dastuurka KMG, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta, saameynta roobabka iyo qodobo kale.

    2. Warbixinno

    GWQ wuxuu warbixin balaaran ka dhagaystay Hoggaamiyaha ku-meelgaadhka ah SSCĀ­ Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, hoggaamiyaha oo golaha uga warbixiyay xaaladaha amni iyo bulsho ee SSC-Khatumo.

    GWQ wuxuu Xafiiska Aminga Qaranka ka dhagaystay warbixin qoto-dheer oo ku saabsan guushii laga gaadhay cunaqabtayntii mudada 32 Sano ah saarnayd dalka, sidoo kale Xafiiska Aminga Qaranka wuxuu goloha uga waramay masuuliyada maaraynta hubka, khataraha qaranku waajahayo, iyo qorshaha dowlada ay dajisay kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

    GWQ wuxuu Taliska Ciidanka Xooga dalka ka dhagaysatay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha dalka looga sifaynayo Khawaarijta

    GWQ wuxuu warbixin ku saabsan barnaamijka xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada ka dhageystay Xukuumadda.

    3. Bogaadin

    GWQ waxaa uu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ka gaareen ciribtirka kooxaha argagixisada ee khawaarijta.

    GWQ wuxuu Xukuumada Federaalka ku bogaadiyay guulaha ay ka gaadhay arimaha dayn cafinta, dhaqaalaha, ka mid noqoshada Urur-goboleedka Bariga Afrika iyo siyaasada arimaha dibada.

    Goluhu wuxuu bogaadiyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee afarta cutub ee Dastuurka KMG.

    GWQ wuxuu sidoo kale dawalada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto ka mid noqoshada Goloha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

    4. Go’aamada shirka ka soo baxay

    GWQ wuxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaalada aminga, siyaasda, iyo xaalada bini aadnimo ee dalku marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyadii iyo war-murtiyeedyadii shirarkoodii hore, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:

    4.1. Sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada

    GWQ wuxuu markale isku raacay in aminigu uu udub-dhaxaad u yahay qorshayaasha dawalad-dhiska iyo horumarinta dalka.

    Golohu wuxuu ku heshiiyay in si wad-jir ah looga wada qayb-qaato la dagaalanka Khawaarjita, islamarkaana la laba jibaaro gulufka lagu afjarayo nabadiidka.

    Golohu wuxuu taageeray dadaallada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka-sida iyo talaabooyinka ay kula-wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

    4.2. Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta

    Goluhu wuxuu isku raacay in la dardargeliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay.

    Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

    GWQ wuxuu Xukuumada Federaalka iyo hay’adaha sharci dajinta ku dhiiri galinayaa dardargalinta sharciyada, xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

    4.3. Arrimaha bani’aadamnimada

    GWQ wuxuu qiimeeyay saameynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen roobabka xooggan ee ka da’ay qaybo ka mid ah dalka.

    GWQ wuxuu hay’adaha gargaarka ee heerarka dawladda farayaa dardargelinta gurmadka dadka ay waxyeeladu soo gaartay wuxuuna. shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isu gurmadaan.

    GWQ wuxuu hay’adaha caalamiga ah ugu baaqayaa iyo kuwa maxaliga ahba in ay gacan siiyaan dadka ku tabaaloobay fatahaadaha xad dhaafka ee saameeyay qayb ka mida dalka.

    Sidoo kale GWQ wuxuu Xukuumada iyo hay’adaha caalamiga ah ku dhiiri galinayaa inay si wada jira uga shaqeeyaan ka hortaga iyo maaraynta saamaynta isbedelka cimilada.

    Shirkii Muqdisho Top War-murtiyeed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWiil 12 jir ah oo si fool xun loogu dilay Galgaduud iyo Dagaal Beeleedyo soo cusboonaaday
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh oo 4 Bilood Gudahood Socdaalkii Afraad ku jooga Dalka Kenya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo