Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xukuumadda»Hiigsiga cusub»Shirkii Madasha Qaran oo ku soo dhammaaday Khudbado jeedin iyo wadahadallo kaliya

    Shirkii Madasha Qaran oo ku soo dhammaaday Khudbado jeedin iyo wadahadallo kaliya

    December 8, 2015Updated:December 8, 20152 Mins Read Hiigsiga cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Federaalka, madaxda maamulada iyo wakiilada beesha caalamka ayaa lagu gabagabeeyay muddo hal maalin ah iyadoo gebi ahaantiisa lagu qaatay khubado ay jeediyeen madaxdii shirka ka qeyb gashay iyo wakiilada beesha caalamka, waxaana looga hadlay arrimo ku saabsan hiigsiga cusub iyo dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya, iyadoo meel la iska dhigay arrimihii doorashada iyo qaabka Soomaaliya looga hirgelinayo.

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Shir loogu diyaar-garoobayo Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga bisha February ee sannadka 2016-ka.

    Shirkan halka maalin socday ayaa sidoo kale lagu qiimeynayey waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii uu qabsoomay Shirkii Lixaad ee Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka.
    Madashan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

    Waxaa madasha maanta looga munaaqishooday arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira Cahdiga Cusub (New Deal).

    Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa ah hab la isugu dubbarido kaalmada la siiyo Soomaaliya, iyado saddexdii sanno ee la soo dhaafay lacag dhan 650 milyan oo dollar lagu bixiyey barnaamijyo ay isku afgarteen dowladda iyo beesha caalamka.

    Dhanka siyaasadda, waxaa hirka looga hadley arrimaha hannaanka doorasho ee dalku qaadan doono, taageerada loo baahan yahay si loo dhaqan-geliyo doorashada, dib u eegista dastuurka iyo dhammeystirka dhismaha maamul goboleedyada.

    Waxaa dhanka amniga shirka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta fulinta barnaamijka Guulwade, hirgelinta barnaamijka Heegan, is-waafajinta labada barnaamij ee Guulwade iyo Heegan, iyo weliba xoojinta hawlgallada milatariga ee dalka ka socda.

    Arrimaha maaliyadda iyo dib u soo kabashada ayaa ka mid ah waxyaabaha laga munaaqishooday, iyadoo si gaar ah loo xusay maamulka maaliyadda, miisaaniyadda, doorka muhiimka ah ee kaabeyaasha dhaqaalaha ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha.

    Waxaa iyana hordhac ahaan uu shirka uga hadley sidii loo diyaarin lahaa qorshe heer qaran oo dhinaca horumarinta waddanka, kaas oo beddeli doona barnaamijka haatan socda ee Cahdiga Cusub oo afar jirsadey.

    Shirka maanta waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

    2345678unnamed

    Hiigsiga cusub Madasha Shirkii Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Xafladii Dhaarinta xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya
    Next Article Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid: ” 650 Milyan oo loogu talogalay New Deal ma ogin halka ay martay..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo