Shirkii 40-aad ee madaxda dalalka Iskaashiga Khaliijka ayaa goor dhoweyd oo hadda ah lagu soo gabagabeeyay magaalada Riyad ee caasimadda Sacuudiga.
Shirka oo lagu casuumay Amiirka Dalka Qatar Tamim Bin Hamad Althani ayaanu ka qeyb gelin, waxaaan ku metaley Ra’iisal wasaaraha dalka Qatar Cabdalla Bin Naasir Bin Khaliifa, waxaana qaabilay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis oo kulan gaara la yeeshay.
Shirka waxaa ka qeyb galay Amiirka dalka Kuwait iyo Boqorka Baxreyn, waxaana ka maqnaaday Suldaanka Cumaan, Madaxweynaha Imaaraadka iyo Amiirka Qatar, wuxuuna ku soo beegmay, iyadoo la shaaciyey wadahada qarsoodi ah oo dhex maraya Sacuudiga iyo Qatar.
Bayaankii laga soo saaray shirla dalalka Khaliijka ayaa waxaa lagu sheegay in lasii adkeynayo iskaashiga iyo midnimada dalalka Khaliijka, iyadoo lagu saleynayo heshiiska difaaca ee dalalakaasi u dhaxeeya.