Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu soo dhammaaday shir ay lahaayeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka, Madaxda ku sugan halkaasi.
Waxaa shirka ka qeyb galay Madaxweyne Maxmed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxayna Guddiga Farsamada oo ay ka maqan yihiin xubnaha Puntland iyo Jubbaland warbixin siiyeen madaxda ku sugan Dhuusamareeb.
Guddiga Farsamada ayaa la filayaa inay warbaahinta la hadlaan, iyago faahfhaib doona wixii kasoo baxay kulanka ay la yeesheen Madaxda ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
