Waxaa maanta ka magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka furmay shirka labaad ee Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira sida: Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed oo madaxweynayaashooda ay ku sugan yihiin halkaasi.

- Arrimaha Hiigsiga cusub ee 2016
- Dhismaha ciidamada Qaran
- Qeybsiga kheyraadka dalka
- Dhismaha maamulada harsan ee dalka
- Iyo arrimo kale
DHAGEYSO FURITAANKA SHIRKA (SBCÂ RADIO)

Shirka oo hal maalin dib u dhac ku yimid ayaa waxaa hareeyay shaki kala dhex yaala Puntland iyo dowladda Federaalka oo ku saabsan maamulka loo dhisayo Gobollada Dhexe;Â Waxaa kaloo la isku heystaa dhaqaalaha hiigsiga cusub sidii goboladda loogu qeybin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, wuxuuna mar kale xaqiijiyay in maamul goboleedka laga dhisayo gobolada dhexe aanu saameyn ku yeelan doonin Puntland.
Goobjooge.com
Muqddisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]