Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ka furmaya shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.
Shirkan ayaa marar badan dib u dhacay, waxaana qabsoomidiisa uu ku soo beegmay iyadoo xiriirka dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada uu marayo heerkii ugu xumaa, taasoo ka dhalatay khilaafka dalalka Khaliijka oo saameyn weyn ku yeeshay arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya shirka iyadoo ay ku idil yihiin dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada shanta ah.
Kullankan ka furmaya magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayo qodobo ay ugu muhiimsan yihiin:
1- Amniga, ciidamada iyo qorshaha dhismaha ciidamada Qaran
2- Arrimaha dhaqaalaha iyo awood qeybsiga kheyraadka dalka [Kalluumeysiga]
3- Doorashada 2020 iyo qaabka lagu gaari karo
4- Dib u eegista Dastuurka
5- Dhaqan gelinta heshiisyadii hore loo gaaray ee socon waayay.
Marka laga soo tago qodobadda shirka horyaalla ayaa dhinaca kale waxaa si weyn uga dhex muuqda shirka khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada siiba kuwa caddeystay inay ka horjeedaan dowladda Federaalka sida Puntland iyo Jubbaland, waxaana ku soo kordhay khilaafka ka qarxay maamulka Galmudug oo keenay in Galmudug ay ku saf noqoto labada maamul ee kale.
Shirkan ayaa isha lagu hayaa waxa uu ku dhammaan doono, iyadoo la eegayo sida ay wax u maareyn doonaan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo marar badan lagu eedeeyay inay maamullada dagaal hoose kula jiraan.