Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  soo xiray  Shirweynaha Wada-tashiga beelaha Puntland oo maalmihii ugu danbeeyay ka socday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Shirweynahaan oo ay ka qeyb galeen ergooyin badan oo isga yimid Gobalada maamula Puntland, waxaa ujeedada  shirka lagu sheegay  in la adkeeyo wada jirka Bulshada Puntland,  Nabadda, kalsoonida iyo is-aaminaada bulshada, lana xaqiijiyo midnimada iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan.
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo madasha shirka kusoo xiray  shirka ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay soo dhaweynayso qodobada ka soo baxay shirka mudadii uu socday. “Go’aanada aad isku raacdeen shirka anaguna waan idinku raacnay, waxaana la rabaa go’aamada aad isku raacdeen inay fulaan, anagu waan fulinaynaa laakiin idinka haydinka fusho” sidaa waxaa  yiri Madaxweyne Gaas oo sheegay in 10 sano kadib shir midkan oo kale la qaban dooni.











[ad name=”HTML-2″]











[ad name=”HTML-2″]










[ad name=”HTML-1″]











Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
