Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Shirrkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo Qodobo laga soo saaray [Akhriso]

    Shirrkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo Qodobo laga soo saaray [Akhriso]

    December 21, 20173 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, Sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale.

    Ugu horeyn, golaha wasiirada ayaa waxey warbixin amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican mareyso, lana dardargelin doono iyadoo uu ka codsaday in shacabka ay kaalin weyn ka qaataan sugida amniga iyo nabadeynta dalka. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay arbush ku sameeyeen ciidanka oo marayey Balidoogle, hase yeeshee la baacsaday oo xirfadkooda lagu raad joogo.

    Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha u soo bandhigtay warbixin ku aadan Daraasad ay sameeyeen oo lagu qiimeynayey diyaar garowga ciidanka. Guddi ka kooban 25 ayaa daraasadan ka soo sameeyey gobollada dalka oo ay ku jireen khubaro ka socday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka.

    Daraasadan ayaa lagu qiimeynayey agabyada ciidanka heysto, caqabadaha jira, tababarka ay heystaan iyo diyaar garowgooda. Daraasada ayaa soo bandhigtay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo horjeeda nidaamka sharciga. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey nooca matalaad ee doorasho ee 2020 oo uu sheegay in guddi ka kooban hay’adaha ay khuseyso ay muddo wadeen daraasad iyagoo isku barbardhigayey doorashooyinka caalamka iyo kuwii Soomaaliya ay soo mareen oo ay ku jiraan kuwa Somaliland.

    Daraasad dheer ka dib waxaa weli socda wadatashi ballaaran oo laga yeelanayo nooca doorasho, iyadoo la isku raacsanyahay in doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qaban doono 2020ka. Noocyada matalaad doorasho oo laga tashanayo ayaa waxaa ka mid ah mid isku dheelitiran oo dhammaan qeybaha bulshada laga wada qeybgelinayo, mid doorasho furan oo xisbiyada dadka matalaya ay doorasho ka raadsanayaan deegaanada, ama mid xiran oo xisbiga la dooranayo ka dibna uu soo xulanayo xildhibaanada matalaya. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi ballaaran la sameyanayo inta aan la go’aamin nooca matalaad ee doorasho.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey dardargelinta heshiiskii GalMudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in xiriiriyo uu ka yahay Wasiirkii hore Abdisamad Macalin Maxamud, wasaaradana ay wado qorsheyashii loo dhaqangelin laaa heshiiskaas taariikhiga ah ee muhiimka ah.

    Wasiirka Shaqada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Adeega Rayidka ah oo usbuuca danbe loo ballamay si looga doodo oo loo ansaxiyo.

    Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ah ayaa golaha siisey warbixin la xiriirta dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ah oo guddigii loo xilsaaray oo ka koobnaa 19ka xubnood oo ka kala yimid dhammaan gobollada ay soo gaartay 600 araaji, oo markii la xulay laga soo reebay 74 oo la marsiiyey imtixaan, ka dibna laga soo reebey 45 u soo gudubtay xog-wareysi (interview) oo lagu ballamay in usbuuca danbe golaha wasiirada ka doodaan.

    Golaha wasiirada Kheyre Somalia xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXeer ilaaliyaha Qaranka oo hortegay Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka [Xasaanadii labada xildhibaan…]
    Next Article DHAGEYSO Xeer ilaaliyaha Qaranka: “Waxaan heynaa caddeymo aan u baaheyn in la helo amar Maxkamadeed..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo