Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Shirweynihii Culimada ee Muqdisho oo laga soo saaray Bayaan ka kooban 21 Qodob [Akhriso]

    Shirweynihii Culimada ee Muqdisho oo laga soo saaray Bayaan ka kooban 21 Qodob [Akhriso]

    April 23, 2019Updated:April 24, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ka socday seddexdi maalmood ah ee lasoo dhaafay, kuna saabsanaa Kaalinta Culimada Ee adkaynta Amniga & Dhab-U-Heshiinta Dalka “دور العلماء في مسيرة الأمن والمصالحة في الصومال” ayaa laga soo saaray 21 qodob oo ku saabsan xaaladda dalka.

    Shirka oo ay soo qabanqaabisay xukuumadda Soomaaliya waxaa ka qeyb galay culimo fara badan oo gudaha dalka iyo dibaddiisa isaga yimid, waxaana qodobada ka mida in culimadu isku raaceen inay xaaraam tahay in la maal-geliyo, la taageero, gabbaad lasiiyo ama la gacan-siiyo ururrada/kooxaha xagjirka ah ee hubaysan.

    HOOS KA AKHRISO QODOBADDA

    1- Waxaa la isku raacay in Shirweynaha culimada Soomaaliyeed uu noqdo shir sanadle ah.

    2- Waxay Culimadu isku raacsan yihiin in Soomaliya ay tahay Dal Muslim ah, Sunni ah, mad-habkeeda Fiqhiga ahina yahay mad-habka shaaficiga.

    3- Waxay Culimada Soomaaliyeed isku raaceen in shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdiisuba ay yihiin dad Muslimiin ah, sidaa daraaddeed kooxaha bannaystay gaalaysiinta iyo dilkoodaba ay yihiin kuwa baal marsan Diinta Islaamka, waajibna ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

    4- Waxay sidoo kale culimadu isku raaceen in ay xaaraam tahay in la maal-geliyo, la taageero, gabbaad lasiiyo ama la gacan-siiyo ururrada/kooxaha xagjirka ah ee hubaysan.

    5-Waxaan ugu baaqaynaa Kooxaha aaminsan caqiidada gaalaysiinta dadka muslimiinta ah in ay Allah u towbad keenaan joojiyaanna gaaleysiinta ummada Soomaaliyeed.

    6-Culimadu ayagoo gudanaya dawrkooda diiniga ah waxa ay dardar galin doonaan in ay kala shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed ka hortagga iyo daweynta xagjirnimada.

    7- Shirweynaha Culimada waxaa uu adkeynayaa in la hirgaliyo qorshaha Dhab u heshiinta umadda Soomaaliyeed iyo in laga shaqeeyo siyaasadeed dhab u heshiisiin oo hirgasha.

    8-Waxaan adkaynayaa in si deg deg ah loo ansixiyo Xeerka Dhismaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Soomaaliya, lana dhiso Golaha Sare ee Arrimah Islaamka si culumada soomaaliyeed u gutaan kaalintooda sida ugu habboon;

    9- Waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimada iyo dhaxalka sooyaalka diimeed ee ummadda soomaliyeed ay leedahay.

    10-Waa in si deg deg ah loo dhameystiro dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si nidaam garsoor oo huffan loo helo;

    11- Waxaan ku baaqaynaa in la xoojiyo wadajirka iyo midnimada Culimada Soomaaliyeed ayna meel ugasoo wada jeestaan wacyigelinta bulshada ee ku aadan baal marsanaanta dinnta ee kooxaha dhiiga ummadda banaystay.

    12- Waxaan adkaynaynaa in Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta & Culimada Soomaliyeed ay hubiyaan xeerarka iyo Dastuurka Dalka, si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta shareecada Islaamka.

    13- Culimadu waxay ku baaqayaan in la adkeeyo ilaalinta anshaxa & aadaabta islaamka iyo ka foogaanshaha wararka been abuurka ah ee bulshada lagu marin habaabinayo.

    14- Waxaan sidoo kale si cod dheer ah ugu baaqaynaa in la dhiso hay’adda wanaag-faridda iyo xumaan reebista.

    15- Culimadu waxay adkaynayaan n la xoojiyo kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan Horumarinta Bulshada, nabadeynta iyo barbaarinta

    16- Culimada Soomaaliyeed waxay ugu baaqayaan beelaha Soomaliyeed ee iska hor imaadyadu ka jira in ay joojiyaan colaadaha iyo dhiigga walaal ee ay sida xaqdarrada ah isaga daadinayaan.

    17-Waxay culimada soomaaliyeed ugu baaqayaan madaxda dawlad gobolleedyada dalka in ay ka fogaadaan khilaafaadka dib u dhac ku samayn kara, ilaaliyaan midnimada dalka iyo dadka, ismaandhaafka siyaasiga ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal, is aqbalaad iyo isu tanaasul.

    18- Waxay Culimadu soo dhawaynayaan dadaallada wacyigalineed ee ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada ee ay wadaan ha’adaha dawladda.

    19- Culumadu waxay ugu baaqayaan Dowladda in ay dedejiso meel marinta hindise sharciyeedka la dagaalanka xagjirnimada iyadoo lagala tashanayo culumada.

    20- Waxaan ku baaqaynaa in la meelmariyo baaqii, fatwadii iyo dardaarannadii kasoo baxay shirkii kan ka horreeyay ee magaalada Muqdisho lagu qabtay sanadkii 2013.

    21- Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa tawbad keen iyo Alle u laabasho loo dhan yahay iyo in la sameeyo roob-doon dalka oo dhan ah.

    Bayaanka shirka Culimada Culimada Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSarkaal ka tirsan Shuurada Sare ee Alshabaab oo isu dhiibay Ciidamada Dowlada, lana geeyay Muqdisho
    Next Article Madaxweyne Farmajo oo markii labaad taageero ka raadsaday Madaxweynihii hore C/qaasim Salaad

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo