Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Shirweynihii Golaha Guud ee SOMA oo la soo xiray & Hoggaan cusub oo lagu doortay (SAWIRRO)

    Shirweynihii Golaha Guud ee SOMA oo la soo xiray & Hoggaan cusub oo lagu doortay (SAWIRRO)

    August 15, 20184 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey Shirweynihii Golaha Guud dalladda SOMA , waxaana Shirweynahaas kasoo qayb galey dhammaan xubnaha SOMA oo kala socdey Gobolada iyo Magaalada Muqdisho.

    Maanta oo ahayd maalinta labaad ee shirka waxaa lagu daahfuray Hab-raaca Badqabka Warbaahinta Soomaaliya oo dalladda SOMA ay diyaarinaysay muddo laba sanao ah ayadoo taageera ka helaysa hayadda IMS/FOJO.

    Daahfurka habraaca bedqabka warbaahinta Soomaaliya waxaa ka hadlay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafin Cabdiraxmaa Yuusuf Al Cadaala, Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in aad u soo dhaweynayo Shirweynaha SOMA sidoo kale Agaasimaha waxaa uu sheegey in Daafurka Habraaca Badqabka Warbaahinta Kaalin mug leh siinaya Bahda Warbaahinta islamarkaana uu yahay mid ku Hogaaminya qaabka Badqabka Warbaahinta.

    “Waxaan leeyahay Bahda Warbaahinta in laga gudbey Xiligii Wararka Colaada, Khilaafka iyo iska horimadka, marka waa in aad wararkiina ay noqdaan kuwa Baaris Xog raadin ku saleysan sidoo kale waa in aad ka hadashaan nolosha bulshada iyo horumarinta dalka” sidaa Waxaa yiri Agaasime Al Cadaala oo sheegey in Wasaarada Warfaafina ay iyada bilaabi doonto ku dhaqanka Hab-raaca Badqabka Warbaahinta Soomaaliya.

    Shirweynahaas ayaa waxaa kaloo ka Hadley Hormuudka Kuliyada Saxaafada Porf Cabdiqaadir Maxamed Dhicisow oo ku dheeraadey Aaas-Aaaskii Jaamacada Ummada oo uu sheegey in ay ka qalin jabiyeen in ka badan 15 kun oo aqoonyahan kuwaas oo si weyn Aqoontooda looga dareemey dalka.

    Mar uu ka hadlayey Kuliyada Saxaafada waxaa uu yiri” Kuliyada Waxaa la Abuurey Sannadkii 1979 kii sida daraadeed maanta waxaa nasiib ah in mar kale dib boorka looga jafey Kuliyadii Saxaafada laguna bilaabey 55 ardey waxana Sannnadkaan ay Kuliyada qaadaneysaa in ku dhow 60 Ardey , sidoo cid kasta oo xiiseyneysa ama hada ka mid ah Bahda Warbaahinta in Kuliyadda ay bilaabeyso dipolama muddo Sannad ah marka waa in aad ka faaiideysataan”

    Waxaa kaloo Shirweynahaas ka Hadley Ustaad Faarax Cumar Nuur oo ka socdey NUSOJ, Xasan Cali Geeseey oo ka socdey SIMHA, Abuukar Albadri oo ka socday IMS/FOJO, Farxiya Maxamed Khayre oo ka socotey Ururka SWJ iyo Muxyadiin Rooble oo ka socday Radio Ergo?IMS/FOJO, waxayna dhamaatood ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin qabsoomida daahfurka iyo saxiixa habraaca bedqabka warbaahunta Soomaaliyeed.

    Dhanka kale Shirweynaha SOMA ayaa waxaa lagu doortey Gudoomiye, Gudooomiye ku xigeen, Xoghayaha Guud iyo Xubnaha kale ee guddiga Fulinta, waxaana xilka gudoomiyaha ku Tartamey Maxamed Cismaan Makaraan iyo Sharmaarke Maxamed Axmed waxaana 25 Cod iyo 5 Cod ku Guuleystey Maxamed Cismaan Makaraan oo ka socdey (Hiiraan Weyn Radio) oo si rasmi u noqdey Gudoomiyaha SOMA.

    Xilka gudoomiye ku xigeenka waxaa u tartamey Axmed Caydiid Diiriye iyo Hilaal Shiikh Shuceyb waxana 18 Cod iyo 10 Cod ku Guuleystey Axmed Caydiid Diiriye oo ka socdey (Radio Sooyaal Kismaayo) oo Noqdey Gudoomiye Ku Xigeenka sidoo kale Xoghayaha guud waxaa u tartamey Maxamed Cabdiwahaab Cabdulaahi iyo Axmed Maxamed Caano Geel waxaana 25 Cod iyo 5 Cod ku guuleystey Maxamed Cabdiwahaab oo ka socdey Radio Risaala Muqdisho oo noqdey xoghayaha guud ee SOMA.

    Shirweynahaas waxaa lagu doortey lix xubnood oo guddi fullinta ka tirsan waxayna kala yihiin Axmed Maxamed Caano Geel, (Codka Nabada, Gaalkacyo) Hilaal Shiikh Shuceyb (Warsan Radio, Baydhabo), Hanad Cabdi Faarax (Radio Codka Mudug), Maxamed Axmed (Radio Kulimiye, Muqdisho), Ibraahim Cabdi Xasan (Istar FM Soomaaliya) iyo Axmed Ciise Gutaale (Mustaqabal Radio, Muqdusho).

    Gaba gabada shirka waxaa laga soo jeediyey lana qaybiyey nuqul lagu faahfaahiyey qaababkii loo isticmaaley dhaqaalihii u soo xaroodey SOMA,waxaana halkaas warbixin ka hadleysa dhaqaalaha ka jeediyey Madaxii Maaliyada Cabdulaahi Maxamed Xasan ( Black) oo kula dardaarmey xubnaha cusub in ay raacaan habkii wanaagsanaa ee ay u maamulayeen maaliyadda SOMA, ugu dambeyn ka qayb galayaasha ayaa halkaas lagu Gudoonsiiyey Shahaadooyinka aqoonsi oo ah ka mid ahaanshaha SOMA.

    Dalladda SOMA ayaa markii hore lagu aas-aasey ilaa 13 Idaacadood Shirweyne ka dhacay dalka Uganda, hadda dalladda SOMA waxaa ku mideysan in ka badan 3o xarumo warbaahineed oo shaqaynaya.

     

    Muqdisho Shirka SOMA SOMA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAmiirka dowladda Qatar oo ku dhawaaqay inuu 15 Bilyan Doolar ku maalgelinayo dhaqaalaha Turkiga
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo booqasho degdeg ah ku tegaya Jabuuti [Eritrea & Jabuuti oo la dhexdhexaadinayo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo