Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furmey Shirweynihii Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA), waxaana Shirweynahaas ka qayb galey madaxda ilaa 38 Idaacadood oo ka kala socdey Gobolada iyo Magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn waxaa Shirweynahaas furitaankiisa ka hadley Ku-Simaha Gudoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaraan, waxaana uu sheegey in Shirweynaha looga hadli doona sidii Warbaahinta isaga Kaashan lahayd Horumarinta Wariyayaasha islamarkaana ay u waji lahaayeen wixii caqabado ah oo ku yimaada Xarumaha Warbaahinta iyo Wariyayaasha.
“Maanta waxaan u fadhinaa sidii Xubaha ku mideysan SOMA ay wax uga bedeli lahaayeen isla markaana waxa ugu dari lahaayeen Xeerka Ururka sidoo kale waxaa Shirweynahaan uu u noqon doonaa mid balaaran oo ay xubno ka noqon doonaa Telefishinada, Wargeysyada iyo Web-Site-yada” sidaa waxaa yiri Ku simaha Gudoomiyaha Mudana Makaraan .
Xubnihii kale ee ka hadley Shirweynahaas waxaa ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka SOMA Maxamed C/wahaab waxaa uu sheegey in Shirweynhaas uu socon doono muddo Laba Maalmood islamrkaana waxaa uu sheegey in inta uu socda lagu dooran doono Xubnaha Hogaamin doona ururka SOMA
Sidoo kale Shirweynahaas ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo balaarin lahaa Barnaamijka WADAAG oo ay Baahin jireen Qaar ka mid ah Idaacadaha ku mideysan SOMA, waxaana la filyaa in Shirweynhaas lagu xulo Idaacado kale oo baahiya Barnaamjkaas waxaana Shirweynahaas lagu soo bandhigi doonaa Buug si weyn uga hadlaya Badqabka Wariyaha waxaana la filyaa in Berri oo ay Bisha tahay 15 la soo gabagabeyn doonaa Shirweynhaas.
SAWIRRO