Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in Madasha Badbaadada Qaran loo dhisay toosinta masiirka khaldamay ee qori isu dhiiibkii hoggaanka dalka oo aysan cidna duullaan ka ahayn.
“Dowladda maanta joogta waxay ku fashilantay inay Geedigii la waday ee qori isku dhiibka ahaa markii lasoo gaaray xilligeeda in ay u dhiibto qofkii ku xigay, waxay ku bedeshay inaysan cid ka horeysay jirin, cid ka danbeysaana jirin, runtiina waa wax khatar ah oo u baahan in dadka Soomaaliyeed ay si feejigan indhaha ugu hayaan..” ayuu yiri Siciid C/llaahi Deni.
Deni ayaa ka digay in dalku meel xun marayo oo dowladda hadda jirta ay xitaa kala eybisay maamul Gooleedyadii. “State-ayadi xitaa waa la kala qeybiyey.. meel xun bay areysaa.. laba state ayaan ku joognaa… Umad waxay ku nooshay sharci iyo dastuur, haddii la ixtiraami waayo, waa naqaan, waana soo marnay nin waliba Goofkiisuu dib ugu noqon bay noqoneysaa, tas waaye tan laga digayo..” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo beesha caalamka ugu baaqay inaysan si fudud u qaadan xaaladda dalku marayo.

HOOS KA DAAWO