Waxaa maalintii labaad galay magaalada Muqdisho shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashada dalka 2020/2021, oo ka socda xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.
Shirkan oo beesha caalamka ay ka dambeysay, siiba dowladda Mareykanka inuu qabsoomo markii ay cadaadis saartay ayaa waxaa ka qeyb galaya laba Garab oo qeyb ka mida aya la safan tahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuwaasoo heshiis Doorasho ku saxiixay magaalada Dhuusamareeb iyo Isbaheysiga Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay heshiiskaasi.
Ajendaha shirka ayaa ah in Heshiiska Dhuusamareeb lagu dul doodo oo wixii ka dhiman laga heshiiyo ama diidan yihiin dhinacyada ka maqnaa, laakiin waxaa laga cabsi qabaa in xaaladda ay kasii cuslaato intaasi haddii Madaxtooyada Soomaaliya ay dib u soo celiso dood laga gudbay.
Howsha ugu adag ee hortaalla madaxweynayaasha Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa ah sidii ay meesha uga saari lahaayeen Qodobo ku jira Heshiiskii Dhuusamareeb oo gaaraya 3 qodob oo loo arko inay yihiin Siriq uu Madaxweyne Farmaajo ku xirtay Heshiiska Doorashada si maamulka doorashada aanu gacantiisa uga bixin, waxayna kala yihiin:
1 -MAAMULKA DOORASHADA
Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixday saddex maamul Goboleed ee Galmudug, K/Galbeed, Hirshabelle iyo G/Banaadir in maamulka Doorashada loo daayo Guddiga Doorashada Qaran ee ay hoggaamiso Xaliimo Yarey oo si weyn loo aamisan yahay inuu galaangal ku leeyahay Farmaajo, mana cadda doorka Dowlad Goboleedyada. (Si Guddigaas meesha loog saaro ama Guddi kale oo la shaqeeya loogu daro waa arrinta ugu weyn ee la doodayo).
2- ERGADA WAX DOORANEYSA IYO XILLIGA AY DHACEYSO
Qodobkan oo marna hal qodob ah marna u kala baxaya laba qodob wuxuu sheegaya in ergada kuraasta Baarlamaanka dooraneysa ay noqoto 301 qof, laakiin dhinacyada ka maqnaa shirka waxay doonayaan in tiradan la yareeyo ugu yaraan 101, taasoo ay ugu wacan tahay maamulka Doorashada, amniga iyo xajmiga beelaha qaarkood.
Xilliga Doorashada dhaceyso oo heshiiskii Dhuusamareeb 3 ka dhigay hal maalin ayaa ah walaac kale oo ay qabaan madaxweynayaasha ka maqnaa heshiiskaasi, waxayna arrintan u arkaan mid horseedi karta wax is daba marin iyo ku shubasho baahsan.
3- GOOBAHA DOORASHADA

Waxaa kaloo arrintan wehliya degaanada ay ka dhaceyso doorashada iyo sida loo qabanayo oo heshiiska Dhuusamareeb ogolaanayo in la isku daro kuraasta qaarkeed iyo in kuraasta loo wareejin karo degaano kale. Qodobkan waxaa la aaminsan yahay inuu Madaxweyne Farmaajo ugu talogalay inuu kula dagaalamo Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa Jubbaland si kuraasta looga wareejiyo magaalada Kismaayo. Waa qodob kale oo furis u baahan iyo tanaasul ka yimaada Madaxweyne, wuxuuna isla qodobkan daaran yahay xaaladda is-mari waaga ah ee ka taagan Gobolka Gedo.
QODOBBO SOO KORDHI KARA
Puntland & Jubbaland oo soo jeediyey dib u eegis guud qodobada ay doonayaan in isbedel lagu sameeyo ayaa dhinaca kale la filayaa inay soo jeediyaan dhismaha Guddi ama xeer-beegti xalisa khilaafaadka ka dhasha Doorashooyinka maadaama aysan jirin maxkamad dastuuri ah.
