Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay kulan gaara la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Kulanka ayaa ka dhacay Hotel ku yaalla Xalane, waxaana kasoo shaqeeyay xubno ka mida Midowga Musharixiinta, xildhibaanno iyo Senatoro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo kulanku ahaa sidii meesha looga saari lahaa mugdi soo dhex galay labada madaxweyne.
Qabsoomidda kulanka waxaa qeyb ka qaatay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyadoo ujeedka ugu weyn ahaa in laga gudbo khilaafka labada madaxweyne iyo soo nooleynta isfaham iyo heshiiyo ay Puntland iyo Galmudug hore ugu gaareen magaalada Gaalkacyo.
Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Galmudug ayaa weli ka quusan Axmed Qoorqoor oo si weyn u taageersan Farmaajo, iyagoo dadaal ugu jira inaysan saameyn ku yeeshaan, halka siyaasiyiin kale ay mar hore ka niyad jabeen inuu kaalintiisa qaadan karo.
