Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Siciid Deni iyo Qoorqoor oo Gaalkacyo kasoo saaray War-murtiyeed ka kooban 14 Qodob

    Siciid Deni iyo Qoorqoor oo Gaalkacyo kasoo saaray War-murtiyeed ka kooban 14 Qodob

    September 14, 2024Updated:September 14, 20242 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynayaasha maamullada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo furay shirweynaha dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo saaray heshiis laga gaaray xaaladda Gobolkaasi.

    War-murtiyeed ka kooban 14 Qodob oo ay baahiyeen madaxda labada maamul ayaa xoogga lagu saaray xaaladda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada ku nool Gobolka Mudug.

    Qodobadda War-murtiyeedka shirka Mudug kasoo baxay oo aanay wax siyaasad ah ku jirin ayaa waxaa ka mida ahaa:

    1. Shirku wuxuu soo jeediyey in si bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka beelaha Dir iyo Shiikhaal islamarkaana dhakhso loo furo wada-hadaladii nabadaynta ee labada beelood.

    2. Shirku wuxuu go’aamiyey in si deg deg ah dib loogu furo gogosha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Sacad iyo Leelkase.

    3. Shirku wuxuu bogaadiyey dhammaan dedaalladii looga shaqaynayey nabadaynta Gobolka Mudug.

    4. Shirku wuxuu garowsaday muhiimadda ay u leedahay nabaddu Horumarinta iyo wada noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug.

    5. Shirku wuxuu soo jeedinayaa in ay Hay’adaha garsoorka ee labada maamul ka wada shaqeeyaan dhacdooyinka labada dhinac saameynaya.

    6. Si loo xoojiyo nabadda iyo badqabka muwaadinka, Shirku wuxuu soo jeediyey in wixii maanta ka danbeeya qofkii qof dila la horgeeyo ha’yadaha garsoorka si caaddaladda loo mariyo.

    7. Shirku wuxuu farayaa odayaasha dhaqanka ee Gobolka Mudug in ay mudo 120 casho ah ku xalliyaan dhammaan kiisaskii hore u taagnaa ee caqabadda ku ahaa nabadda.

    8. Shirku wuxuu go’aamiyey in dib loo howlgeliyo lana tayeeyo Guddigii Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee ka shaqayn jirey nabadda Gobolka tiradoodana lagu soo koobo 30 xubnood, islamarkaana la dardargaliyo guddiyada kale ee Nabadda Gobolka Mudug.

    9. Shirku wuxuu go’aamiyey in la tayeeyo lana dardageliyo howlgaladii dhanka amniga ee ay wadeen ciidamadii isku-dhafka ah ee Gobolka Mudug.

    10. Shirku wuxuu go’aamiyey in si wadajir ah looga hor-tago dhammaan shaqaaqooyinka iyo ficilladda liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada ku nool Gobolka Mudug.

    11. Shirku wuxuu u xilsaaray fullinta qodabada ka soo baxay shirka, Guddiga Amniga ee isku dhafka ah, Hay’adaha Amniga ee labada maamul iyo Guddigii Odayaasha dhaqanka labada dhinac ee ka shaqeeya nabadda Gobolka Mudug.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay
    Next Article Qaraxyo lagu beegsaday Dhalinyarrada Baraha Bulshada oo ka dhacay degmada Kaxda ee Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo