Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa khudbad u jeediyey Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare, isagoo difaacay sida keligeed Puntland u difaacdo sharciga, ugana hortimaado dowladda Federaalka.
Isagoo ka hadlayey Aqalka Sare ayuu sheegay inuu ka mid ahaa nidaamka Federaalka ee la isku raacay, loona dhisay inuu isku hayo Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna ku bogaadiyey shaqada uu qabtay intii la dhisay.
‘Waan dareemi karaa in marka xaaladda siyaasadeed ay cakiran ahay in xadgudubyo sharci ah ay dhacaan, laakiin waxaan marna suuragal ahayn in sharci siyaasad ahaan looga heshiiyay in dib looga noqdo… taasi waa adag tahay. wuxuu dhaacwacayaa intii lasoo qabtay .. waxaan ku wada joonaa heshiis bulsho oo uu asaas u yahay Dastuurka..” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo meesha ka saaray in heshiisyada siyaasadeed lagu celiyo Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in Puntland oo 22 sano jirsatay ay mudan tahay inay xil gaara iska saarto ilaalinta Dastuurka, ayna marxaladan qaadan karto keligeed, maadaama maamulada kale ay heystaan culeyso, ayna Puntland wakii uga noqon karto inta kale.