Wararka laga helayo magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo fara badan ay buux dhaafiyeen magaalada, iyadoo ay weli socoto xiisadda ka dhalatay xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda PSF oo ah ciidamo ay Mareykanku tababarreen.
Xaaladda magaalada ayaa ah mid ciidan, laakiin degan, waxaana xaafadda Ridwaan ee magaalada Boosaaso oo ay ku taallo xarunta ciidamada PSF lageeyay ciidamo fara badan, kadib markii uu amarkaasi bixiyay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Ciidamada maamulka Puntland ayaa si weyn ugu dhowaaday xarunta ciidamada PSF, waxaana dhinaca kale socdo dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo uu diiday Siciid Deni, isagoo ku adkeystay inuu xilka wareejiyo agaasimihii PSF ee uu xilka ka qaaday Maxamuud C/llaahi Diyaano.
Shalay ayuu maamulka Gobolka Bari ku dhawaaqay howlgallo amni oo weyn, kasoo ka dhacaya magaalada Boosaaso oo hadda ku jira xaalad adag oo milateri.
Wararkii ugu danbeeyay ee Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay doonayaan inay cadaadis ku saaraan agaasimihii hore ee PSF inuu xilka wareejiyo iyadoo aan wax dagaal ah dhicin, waxaana jira rajo laga qabo waanwaan ay wadaan saraakiisha Mareykan ah.
