Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa goor dhoweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin kala duwan, xildhibaanno u badan kuwa laga soo doortay Puntland iyo qeybaha Bulshada magaalada Muqdisho.
Siciid Deni ayaey u tahay markii ugu horeysay ee uu Muqdisho yimaado isagoo ah musharax madaxweyne, waxaana la filayaa inuu ololihiisa doorashada ka bilaabo Caasimadda Muqdisho.
Wuxuu imaanshihiisa kusoo beegmay xilli ay socoto diiwaan gelinta Musharixiinta guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo aakhirka bishan la dooran doono.
