Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee caasimadda maamulkiisa, kadib muddo ku dhow 2 bilood uu ka maqnaa.
Siciid Deni oo ka mid ahaa musharixiintii xilka Madaxweynaha ee kaalinta koowaad galay wareegii hore iyo kaalinta 3-aad wareegii labaad ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeyb galay ku xigeenkiisa Axmed Karaash, wasiiro, xildhibaanno iyo dadweynaha Puntland.
Isagoo shir jaraa’idku qabtay Garoonka Diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir, ayuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni dalbaday in la iska cafiyo khaladaadkii dhacay xilligii doorashada, isagoo lagu eedeeyay inuu qoray xildhibaanadii kasoo baxay Puntland.
Siciid Deni ayaa dadka Puntland ka codsaday inay xalay dhalay ka noqdaan is qabqabsigii ka dhashay doorashada, lagana wada shaqeeyo hormarinta deegaanka iyo dowladnimada Puntland.
“Doorashooyinku waxay leeyihiin laxaw iyo is-qoonsi… marka Doorashadu dhammaato waa in laga gudbaa oo hore loo socda.. wixii dhacay inaan dib loo eegin ee hore la fiiriyo oo la is cafiyaa”. ayuu yiri Siciid Deni.
Khilaaf culus oo u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo shaac baxay intii uu Siciid Deni ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ku jiray ayaa isna la qaboojiyey, waxaana la filayaa in la xaliyo.