Madaxweynaha maamulka PuntlandSiciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hor yimid Go’aannadii kasoo baxay Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo Puntland ay ka maqneyd.
Wuxuu sheegay in Maamulkiisa aanu ka qeyb gelin shirkii ka dhacay Muqdisho, wixii kasoo baxayna aanay quseyn Puntland, isagoo sheegay in shirarkii hore iyo midkii ugu danbeeyay ay uga baaqsaday markii uu arkay in Dalka lagu wado jiho khaldan, sida uu yiri.
Wuxuu difaacay nidaamka Ra’iisal wasaaraha ee Baarlamaaniga ah oo soo socda ilaa Carte inan habeen madow la bedelo, haddana aysan muuqan sabab loo bedelo, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku takrifal ku sameeyay, awoodiisiina uu qaatay.
“..Sida uu Madaxweynuhu u dhaqmayey waa arkeynay wuxuu awal baabi’iyay awood qeybsigii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo awoodihiisa uu qaatay, haddana wuxuu yiri maba jiro Ra’isul Wasaare” ayuu ku dooday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Golaha Wadatashiga ayuu sheegay Siciid Deni inuusan lahayn awood qaanuuni ah iyo go’aan, oo uu yahay Gole wadatashi oo sanadkii mar ama laba mar shira oo wixii ay isla gartaan inay mariyaan hay’adaha dowladda.
Khilaafka Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegaa inuu salka ku hayo natiijadii doorashadii madaxweynaha iyo awood qeybsiga xilka Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna gaaray heerkii ugu xumaa xiriirka labada dhinac Bishii Janaayo 2022, isagoo kasii daray Bishan May oo Doorashooyinka golaha wakiilada ay ka dhaceen Puntland.